Gudoomiyaha komishanka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa jamhuriyada Somaliland Axmed jamac maxamuud  ayaa ka war bixiyay  hawl galo ay dalka ka bilaabeen oo lagu ilaalinayo hantida qaranka xiliga lagu gudo jiro kala guurka ,

waxaa kaloo uu kawar bixiyay baadhitaano ay ku sameeyeen 10 kamida  wasaaradaha dalka isla markaana ay wadaaan inta u hadhay dhamaan laamaha daw ladana ay wada baadhidonaan soona diiwaan galinayaan guud ahaaan  hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba si loo ilaaliyo hantida qaranka oo aanay u dhicin wax hanti lunsiyi .

gudoomiye ahmed waxaa uu ka dayriyay in musuqa hantida ay ka xuntay kana saamayn badantay saacadaha shaqada qaranka loo shaqeeyo oo lamusuqo oo aan sidooda iyo xiligii loogu talao galay loo gudanin taasoo uu farta ku fiiqay inay tahay halka  dhibaatadu kajirto .

madaxda iyo shaqaalaha iyo dadwaynuhuna ay mooganyiin

gudoomiyaha oo hadal kiisa siiwata ayaa sheeegay inuu isaga iyo maamulkiisu ay mudo yar oo 3 bilooda xafiiska joogeen waxaanu faahfaahin ka bixiyay talaabooyinkii uu qaday waxaana ka mid haa uuguna horeeyay sidii musuqa iyo maamul wanaaga loo fahmilaaha musuqmaasuquna aanu ahayn oo kaliya hanti la lun sado

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *