Maanta oo ay taariikhdu tahay 06/07/2017  waxaa war saxaafadeed ku qabtay Xafiiska ay ku leeyihiin magaalada hargeysa  Komishinka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq maasuqa,

Waxaa Goobta ka hadlay Gudoomiyaha Komishinka maamul wanaaga iyo laa dagaalanka musuq maasuqa Eng Axmed Jaamac maxamuud isagoo ka war bixiyey ujeedada ay isugu yeedheen safaaxada ay ahayd inay dar dar gelin doonaan hawlihii ay wadeen Ramadan ka hor oo ahayd in la ilaaliyo Hantida Qaranka xiligan lagu jiro kala guurka sidoo kalena la saxo wixii maamul xumo ah ee u baahan toosin taasina ay ahayd Dardaarankii Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu dhowaan soo faray hayadaha ku shaqada leh ilaalinka hantida qaranka,

Mar wax laga weydiiyey Gudoomiayaha halka ay abaarayaan ama ka bilaabayaan baadhitaanka wuxu ku jawaabay gudoomiyuhu in aanay caado u ahayn inay sii shaaciyaan meesha ay ka bilaabayaan baadhitaankooda sidoo kalena ay wada mari doonaan Wasaaradaha , hayadaha dawlada, kastamada, Dawladaha Hoose iyo sidoo kale meel kastoo ku jirta Xayndaabka dawladnimo.

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *